Lautaro Martinez Oo Hal Shardi Ku Xidhay Inter Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Kooxda.

Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday lacagta uu dalbaday xiddiga Lautaro Martinez si uu qandaraaska ugu kordhiyo Nerazzurri.

Qandaraaska 26-jirka uu kula jiro Inter Milan ayaa dhacaya bisha June ee sanadka 2026.

Wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee “Gazzetta dello Sport” ayaa sharxay in Inter ay u soo bandhigtay Lautaro inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda iyaga oo u soo bandhigay heshiis 8 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah.

Wargeyska Talyaaniga ayaa intaa ku daray in ciyaaryahanka reer Argentina uu doonayo inuu helo 10 milyan oo sanadle ah si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Gazzetta dello Sport ayaa carabka ku adkeysay in kulanka soo socda ee maamulka Inter uu dhici doono bisha March ee soo socda markaasoo Nerazzurri ay booqan doonto Atletico Madrid, lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga