Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa weli hoggaanka u haya liiska gooldhaliyeyaasha Koobka Adduunka 2026, iyadoo tartanku galay wareegga 16-ka.
Messi ayaa haatan leh 7 gool, kaddib markii uu hal gool dhaliyay kulankii ay Argentina 3-2 kaga adkaatay Cape Verde ee wareegga 32-ka.
Xiddiga Inter Miami ayaa hal gool ka sarreeya weeraryahanka xulka France, Kylian Mbappe, oo isna dhaliyay 6 gool.
Kaalinta xigta waxaa wadaaga Erling Haaland oo Norway u ciyaara iyo Harry Kane oo hoggaamiya weerarka England, kuwaas oo min 5 gool dhaliyay.
Messi ayaa hadda diiradda saaraya inuu hoggaamiyo Argentina marka ay Talaadada la ciyaareyso Masar kulanka wareegga 16-ka, iyadoo Albiceleste ay hiigsaneyso inay u gudubto wareegga siddeedda.
Liiska gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya Koobka Adduunka 2026:
- Lionel Messi – 7 gool
- Kylian Mbappe – 6 gool
- Erling Haaland – 5 gool
- Harry Kane – 5 gool
- Vinicius Junior – 4 gool
- Ousmane Dembele – 4 gool
- Mikel Oyarzabal – 4 gool
- Ismaïla Sarr – 4 gool
Be the first to comment