Carlo Ancelotti ayaa la wadaagay fikirkiisa ku aadan waxa ay tahay inuu Kylian Mbappe sameeyo si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed hoose kulankii Liverpool ee Champions League.
Rajo weyn ayaa laga qabay Mbappe markii uu ku biiray Real Madrid xagaagii isaga oo qaab xor ah ugu soo biiray kooxda reer Spain.
25 jirkaan ayaa Real Madrid ayaa dhaliyay 9 gool 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, laakiin dad badan ayaa dareensan in xiddiga reer France uu ku fashilmay in uu gaadho heerkii laga filayay.
Mbappe ayaa dhaliyay kaliya labo gool shantii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga, iyadoo Real Madrid ay haatan afar dhibcood ka hooseyso kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.
Xiddiga No.9 u xidha kooxda ayaa si weyn ugu fashilmay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Liverpool champions League.
Ancelotti ayaa qiray in Mbappe uu ku jiro xaalad adag oo dhanka goolka hortiisa ah, wuxuuna u soo jeediyay xiddiga reer France talo ku saabsan sidii uu dib ugu soo laaban lahaa qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.
Ancelotti oo wariyaasha kala hadlayay qaab ciyaareedka Mbappe kadib guuldaradii Liverpool ayaa yidhi: “Waxa dhacday marar badan in weeraryahanadu ay ku adag tahay inay gool dhaliyaan, waxaa jirta dawo ah in la samro”.
“Waxa uu ku jiraa wakhti adag, gaar ahaan ka dib markii uu khasaariyay rigoorada, qof walba waa inuu taageeraa isaga”.
Be the first to comment