Martinelli: Waxaa La Joogaa Waqtigii Arsenal Aan….

Xiddiga kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa xaqiijiyay hamiga uu u qabo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ah mid ka mid ah tiirarka ugu caansan ee uu tababaraha reer Spain Mikel Arteta ku tiirsan yahay kooxda Arsenal oo ay kula soo wareegtay qiimo jaban.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa doonaya inuu wax walba la gaaro Arsenal xilli ciyaareedka 2024-2025.

Arsenal ayaa ku dhameysatay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkaan iyagoo ku jira kaalinta labaad ee kala sareynta Manchester City oo markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay Premier League.

Martinelli ayaa u sheegay wargeyska AS “Waxaan heysanaa koox aad u da’yar oo awood weyn leh, shaki kuma jiro inaan sii kori doono”.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u dagaalami doonnaa dhammaan koobabka, Premier League-ga Ingiriiska, Champions League iyo FA Cup.”

Wuxuu ku soo gabagabeeyay hadaladiisa: “Dadku kalsooni weyn ayay ku qabaan shaqadeena, hadda waa inaan diirada saarno ku guuleysiga koobabka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga