Xilli ciyaareedkii Premier League 2025/26 wuxuu ahaa mid si weyn loo xasuusan doono.
Arsenal ayaa ku guuleysatay horyaalka kadib 22 sano oo ay sugaysay koobka, taasoo ka dhigtay kooxdii saddexaad ee xiriir ah ee horyaalka ku guuleysata.
Sidoo kale, Bournemouth ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda xaqiijisay ka qaybgalka tartamada Yurub, halka Sunderland oo dhawaan soo dalacday ay iyaduna gaartay tartamada Yurub markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano.
warbixintan waxan ku soo bandhigaynaa 10 rikoor oo waaweyn oo la jebiyey xilli ciyaareedkan:
1. Bruno Fernandes iyo rikoodhka caawinta goolasha
Bruno Fernandes ayaa noqday ciyaaryahankii ugu caawinta badnaa hal xilli ciyaareed oo Premier League ah kadib markii uu sameeyay 21 caawin, isagoo jabiyay rikoodhkii ay wada haysteen Kevin De Bruyne iyo Thierry Henry.
2. Arsenal iyo anshaxii taariikhiga ahaa
Arsenal waxay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Premier League ku dhamaystata iyadoo aan lagu dhigin rikoodhe ama aan la siin hal kaar cas. Waxay sidoo kale dhaliyeen 19 gool oo koornooyin laga keenay, taasoo ah rikoor cusub.
3. Max Dowman
Max Dowman ayaa noqday gooldhaliyihii ugu da’da yaraa taariikhda Premier League isagoo 16 jir iyo 73 maalmood jiray. Wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee kulan Premier League ah bilaaba iyo kii ugu da’da yaraa ee hela billadda horyaalka.
4. Junior Kroupi
Junior Kroupi ayaa noqday da’yarkii ugu goolasha badnaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Premier League, isagoo dhaliyay 13 gool.
5. Bournemouth
AFC Bournemouth waxay samaysay 18 barbaro xilli ciyaareed gudaheed, taasoo ah rikoor cusub marka la eego xilliyada 38-ka kulan ah.
6. Raúl Jiménez
Raúl Jiménez ayaa noqday ciyaaryahanka leh rikoodhka ugu wanaagsan ee rigoorayaasha Premier League, isagoo dhaliyay 14 rigooro oo xiriir ah isagoo aan waxba khasaarin.
7. Erling Haaland
Erling Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa ee gaara 100 gool oo Premier League ah, isagoo ku gaaray 111 kulan oo keliya.
8. James Milner
James Milner ayaa noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda Premier League kadib markii uu gaaray 658 kulan.
9. Harvey Barnes
Harvey Barnes ayaa dhaliyay goolkii guusha ee ugu dambeeyay taariikhda Premier League (tan iyo xog ururinta Opta), daqiiqaddii 101:48 ee kulan ay Newcastle la ciyaartay Leeds.
10. Cole Palmer
Cole Palmer ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda Premier League saddex kulan oo kala duwan qeybtii hore ka dhaliya hat-trick. Wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahanka ugu hat-trick badan taariikhda Chelsea.
Be the first to comment