Man United Oo Loo Sheegay In Ay Sameeyeen Khaladkii Ugu Weynaa Ee Suuqa.

Go’aanka Manchester United ay kaga iibisay Jadon Sancho Chelsea ayaa cadeyn karta qaladkii ugu weynaa ee suuqa kala iibsiga – sida uu qabo David James.

Sancho ayaa amaah loogu diray Chelsea ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigu maalintii ugu dambaysay ugu biiray kooxda chelsea.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, oo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxdiisii ​​​​hore ee Borussia Dortmund, ayaa waxay isku dhaceen tababaraha United Erik ten Hag, xiriirkooduna waligiis ma soo kabsan.

Laakin goolhayihii hore ee England James ayaa sheegay in ay Man United khald weyn gashay kadib markii ay iska fasaxeen xiddiga kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee chelsea.

“Saxiixa ugu fiican ee suuqii xagaaga waa ku biiristii Sancho ee chelsea”ayuu James yidhi.

“Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankiisii ugu horeeyay ee Bournemouth, runtii waxa uu u muuqday mid fiican”ayuu sii raaciyay.

“Waxa uu muujiyay tayadiisa labadii wakhti ee uu ku qaatay Dortmund”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga