Man United Oo 4 Xiddig Oo Kale Dhaawac U Wayday Xilli Xaaladu Ku Adagtahay Erik Ten Hag

Manchester United ayaa lumisay afar ciyaartoy oo kale oo dhaawac ah iyadoo Erik ten Hag uu dhaawacii xilli ciyaareedka ka horeeyay ka sii xumaanayay.

Ten Hag ayaa lagu qasbay inuu bedelo seddex ciyaaryahan dhaawac dartiis iyadoo Man Utd guuldaro 3/0 ah kala kulantay Liverpool kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga da’yarka ah ee Will Fish ayaa lagu qasbay inuu ka boxo ciyaarta kulankii Liverpool.

Jonny Evans iyo Victor Lindelof ayaa sidoo kale la bedelay qeybtii nasashada sababo la xiriira dhaawacyo halka Harry Maguire uuna gabi ahaan ciyaarin sabab la xidhiidha dhaawac.

“Mar walba, waa inaan aragnaa waxa dhacay. Qiimaynta, dabcan, Will Fish dhaawaciisu waxa uu ahaa mid jug ah”ayuu Ten Hag yidhi.

“Sidoo kale waxa aan ku qasbanaanay in aan badalno Jonny Evans qaybtii nasashada sabab la xidhiidha in uu xanuunsanaa, Victor Lindelof waxa aan u saarnay taxadar, markaa haa, waxaa jira dhaawacyo qaar, laakiin waa inaan aragnaa sida ay u xun tahay”.

“Isku diyaarinta mar walba waa mid adag, Maguire-na waxa uu kulanka ku seegay taxadar”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga