Man City Oo Xasuuqday Wolves & Haaland Oo Super-Hattrick Dhaliyay

Kooxda Man City ayaa xasuuqday kooxda Wolves kulan ka dhacay Etihad kana tirsnanaa horyaalka premier League.

Man City ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta ku dilaan wakhti hore.

Erling Haaland ayaa daqiiqadii 12-aadba dhaliyay goolka furitaanka waxana uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Man City ayaan halkaas ku joogsan iyada oo uu Haaland mar kale soo laabtay daqiiqadii 35-aad isaga oo goolka 2-aad u dhaliyay kooxdiisa.

Haaland oo la joojin kari laayahay ayaa daqiiqadii 45+3-aad dhaliyay gookiisii 3-aad ee ciyaarta iyo saddex gool oo kooxdiisa ah..

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3/0 ay Man City ku hogaaminayso kulanka.

Man City ayaa qaybta sii waday weerarka aan kala joogsiga lahayn iyaga oo doonayay in ay badsadaan goolasha.

Kooxda Wolves ayaa daqiiqadii 53-aad iska soo baday gool waxana u dhaliyay xiddiga Hwang Hee-Chan kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Daqiiqadii 54-aaad ayuu Haaland soo laabtay waxana uu dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa iyo goolkii 4-aad ee shaqsiga ahaa ee ciyaarta.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga