Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda Koobka Adduunka
Kabtanka Argentina, Lionel Messi, ayaa hadda hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ugu safashada badan taariikhda tartanka FIFA World Cup.
Weeraryahanka 39 jirka ah ee Inter Miami CF ayaa haatan ciyaaray 28 kulan oo Koobka Adduunka ah.
Messi ayaa rikoodhkan sii dheereystay kadib markii uu beddel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii ugu dambeeyay ee guruubka J ay Argentina la ciyaartay Jordan, isagoo dhaliyay hal gool.
Kulanka ayaa ku dhammaaday 3–1 oo ay ku badisay Argentina, taasoo u xaqiijisay inay u gudubto wareegga 32-ka ee tartanka.
Ciyaartoyda ugu safashada badan taariikhda Koobka Adduunka:
- Lionel Messi – 28 kulan
- Cristiano Ronaldo – 25 kulan
- Lothar Matthäus – 25 kulan
- Miroslav Klose – 24 kulan
- Paolo Maldini – 23 kulan
Be the first to comment