
Agaasimaha ciyaaraha Bayer Leverkusen Simon Rolfes ayaa ka hadlay sida Liverpool ay Bayer Munich ugu garaacday saxiixa Florian Wirtz.
Wirtz waxa uu doortay in uu Anfield ugu dhaqaaqo lacag rikoor ah isaga oo ugu biiray heshiis dhan 116 milyan oo euro. inkasta oo ay si weyn u xiiseynayeen kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern iyo Cityzens.
Rolfes ayaa amaanay maamulka Liverpool sida ay u maareeyeen howsha oo dhan si xirfad leh, isagoo sheegay in ciyaaryahanka uu ku qanacsan yahay ku biirista Liverpool.
Agaasimaha ciyaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kooxda Jarmalka ay ka war hayeen tan iyo bishii February ee sanadkan in laacibku uu go’aansaday inuu isaga tago kooxda, inkastoo Leverkusen ay doonaysay inuu ugu yaraan hal sano oo dheeraad ah sii joogo.
Isagoo la hadlaya BILD, sarkaalka Leverkusen wuxuu yiri: “Shardiga Florian wuxuu ahaa in qof walbaa ku qanacsan yahay bixitaanka macno ahaan, inuu rajeynayo Bayer 04 inuu sidoo kale ku farxi doono natiijada”.
“Waxa aan dareenay in uu doonayo in uu boxo anagu waxa aan doorbidaynay in aanu heshiis cusub ka saxiixano si uu horumarkiisa u Sii wato”.
” Bishii February iyo bishii March ayuu bilaabay in uu la hadlo kooxaha laakiin Mar walba waxa uu doonayay in uu in uu Aado meel ka baxsan Bundesliga”.
“Bishii May, wuxuu noo sheegay inuu go’aansaday inuu ku biiro Liverpool FC. Waxaan aaminsanahay inuu aad ugu fiican yahay Liverpool. Naadiga ayaa ula dhaqmay si dhab ah. Florian waxaa la fahamsiiyay inay garanayaan sababta ay isaga u doonayaan”.
Be the first to comment