
Leny Yoro ayaa daaha ka qaaday in Kobbie Mainoo uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee la xiriira ka hor inta uusan 52 milyan oo euro ugu dhaqaaqin Manchester United.
Yoro, oo ciyaaray qeybtii hore ee ciyaartii United ay 2-0 kaga badisay Rangers Sabtidii, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ku soo biirida kooxda, waxaana uu ku ammaanay Mainoo soo dhaweyntiisa diiran.
“Runtii waxaan aad ugu dhowahay Kobbie, tanina wax badan ayay i caawin doontaa, wuxuu ii soo diray fariin, runtii waa nin wanaagsan,” ayuu yidhi
Yoro ayaa la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro Man United xilli ciyaareedka soo socda.
Xiddiga ayaa iska diiday Real Madrid waxana uu ka doortay kooxda Man United oo uu u saxiixay heshiis wakhti fog ah.
Be the first to comment