La Ogaaday: Sababtii Uu Michael Olise U Diiday Chelsea Ugana Doortay Bayern Munich Oo La Ogaaday.

Sida laga soo xigtay wargeysyada, xiddiga Crystal Palace Michael Olise ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Chelsea sababtoo ah Bayern Munich ayaa ka qayb qaadan doonta Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Chelsea ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayso saxiixa Olise tan iyo xagaagii hore, laakiin ciyaaryahanka ayaa doortay inuu sii joogo Crystal Palace xilli ciyaareed kale, Blues ayaana isku dayday mar kale bishaan.

Chelsea ayaa ogolaansho ka heshay Crystal Palace si ay wadahadal ula furto Olise waxayna diyaar u ahayd inay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee 60-ka milyan.

Si kastaba ha ahaatee, Olise ayaa diiday inuu ku biiro Chelsea markii labaad isaga oo ka doortay Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay Metro, Olise ayaa lagu qanciyay inuu ku biiro Bayern Munich ka dib wadahadal uu la yeeshay Vincent Kompany, tababarahooda cusub, kaasoo bedelay Thomas Tuchel bishii hore.

Rajada ka ciyaarista Champions League ayaa ahayd arrin ka dambeysay go’aanka Olise waana mid uuna ka helayn kooxda chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga