Kooxaha Ay Barcelona Ku Aadi Karto Wareega 8 Dhamaadhka Champions League.

Barcelona ayaa u soo baxday wareega xiga ee Champions League!

Kooxaha kale ee hore ugu soo baxay tartanka ayaa ah Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Manchester City, Real Madrid iyo Arsenal.

Labada ugu dambeeya ayaa la ogaan doonaa kulamada ugu dambeeya wareega 16-ka champions League.

Kooxaha Atletico Madrid ama Inter Milan, Borussia Dortmund ama PSV ayaa laga rabaa in ay laba koox ka soo baxaan.

Marxaladdan, naadiyada isku waddan ka yimid waa la isku beegi karaa maadama uuna jirin sharci isku diidaya kooxaha isku dalka ah.

Barcelona ayaa ku aadi karta kooxaha ay isku dalka yihiin ee Real ama Atletico hadii ay tan dambe u gudubto wareega xiga.

Isku aadka ayaa go’aamin doona maalinta jimcaha oo ku beegan 15 bishan March ee lagu jiro.

Kooxaha ay Barcelona ku aadi karto wareega xiga halkan kaga bogo:

Bayern Munich

Paris Saint-Germain

Manchester City

Real Madrid

Arsenal

Inter Milan/Atletico Madrid

Borussia Dortmund/PSV Eindhoven

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga