Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, Joe Cole, ayaa muujiyay kalsooni buuxda inuu xulka England ka adkaan doono Argentina kulanka nus-dhamaadka ee Koobka Adduunka 2026.
England ayaa u soo baxday afar-dhammaadka kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Norway, halka Argentina ay waqti dheeri ah ku baahan tahay si ay uga gudubto Switzerland oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay.
Joe Cole oo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football ayaa sheegay in England ay awood u leedahay inay joojiso Lionel Messi, isla markaana ay gaarto final-ka tartanka.
“Messi markii ugu horreysay ayuu England la kulmayaa? Waan aamusin doonnaa. Boqolkiiba boqol waan joojin doonnaa,” ayuu yiri Joe Cole.
Wuxuu sii raaciyay: “Hadda ayaan si cad u leeyahay, England waxay gaari doontaa final-ka Koobka Adduunka.”
Joe Cole ayaa sidoo kale sheegay in xawaaraha ay leeyihiin ciyaartoyda England uu ka badan yahay awoodaha Argentina, isagoo yiri: “Waxaan leenahay xawaare aad uga badan meelaha ay Argentina ku xooggan tahay. Waan garaaci doonnaa, waxaana taas ka dareemayaa qalbigayga.”
Be the first to comment