Jamie Carragher Oo Magacaabay Laba Shaqo Oo Adag Oo Hor Yaala Arsenal Xilli Ciyaareedka Dambe.

Jamie Carragher ayaa magacaabay laba shaqo oo ‘adag’ oo ay Arsenal wajihi doonto xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii ay mar kale seegtay hanashada horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa aad gu dhawaatay ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Carragher ayaa sheegay in ay Arsenal wajahayso laba shaqo oo adag oo kala ah in ay in ay sii wado rikoodhkooda can e kulamada kooxaha waaweyn Iyo in ay ilaaliso caafimaadka xiddigaha kooxda ugu muhiimsan.

Carragher ayaa yidhi: “Waxaa jira waxyaabo ay Arsenal samaysay xilli ciyaareedkan oo aan u malaynayo inay adkaan doonto in lagu celceliyo xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waxaa jira laba shay oo ii muuqda. Ilaa hadda waa kooxda ugu fiican ee kulamada fool-ka foolka ah ee kooxaha waaweyn”.

“Waxay laba jeer garaaceen Man United. Afar dhibcood ayay ka heshay Man City. Afar dhibcood ayay ka heshay Liverpool”.

“‘Afar dhibcood ayay ka qaateen Chelsea. Waxaan filayaa inay afar dhibcood ka heleen Spurs. Markaa waxay garaaceen qof walba”.

“Waa ay adagtahay in mar kale la sameeyo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga