Inter Milan ayaa diyaar u ah inay dalab rasmi ah ka gudbiso Tottenham, iyadoo doonaysa inay la saxiixato Djed Spence. Inter ayaa aaminsan in qiimihii hore ee €45 milyan uu hadda hoos u dhici karo, waxaana kooxda Talyaanigu rumaysan tahay in heshiiska lagu dhamaystiri karo wax ka yar €40 milyan.
Wadahadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay dib u billowdaan, maadaama qorshaha saxiixa Spence uu mar kale kusoo laabtay wadadii saxda ahayd.
Dhanka ciyaaryahanka, Djed Spence ayaa aad u doonaya inuu u dhaqaaqo Inter, taasoo sii xoojinaysa fursadda uu heshiisku ku hirgeli karo.
Be the first to comment