Ilaa maanta, Barcelona weli wax wadahadal ah kama aysan furin Cuti Romero, inkastoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar la xiriirinaya kooxda Catalan-ka iyo daafaca Tottenham.
Barcelona waqtigan waxay si gaar ah diiradda u saartay dhammeystirka heshiiska Rodri, kaas oo la filayo inuu dhowaan soo gabagaboobo.
Ilaa hadda, wax wadahadal ah oo rasmi ah kama dhicin Barcelona iyo Tottenham oo ku saabsan Romero.
Dhanka kale, Atletico Madrid ayaa haatan hoggaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa Cuti Romero.
Be the first to comment