
Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka premier League kadib guushii ugu dambaysay.
Liverpool ayaa garaacday kooxda West Ham kulan ka dhacay Anfeidl kana tirsanaa horyaalka premier League.
Goolal ay dhaliyeen Diaz Iyo Van Dijk ayaa Liverpool ka caawiyay in ay ku sii dhawaato ku guulaysiga horyaalka.
Hadaba goorma ayay Liverpool ku guulaysan kartaa premier League?
Liverpool ayaa u baahan in ay badiso labada kulan ee soo socda si ay ugu guulaysato premier League.
Reds ayaa la ciyaari doonta kooxaha Leicester City Iyo Tottenham labada kulan ee soo socda waxana ay u baahantahay in ay badiso si ay ugu guulaysato horyaalka iyada oo aan sugin kulamada Arsenal.
Sidoo kale Liverpool ayaa ku guulaysan karta horyaalka hadii ay ka badiso Leicster City todobaadka dambe laakiin waa hadii ay Arsenal guuldaro kala kulanto kooxda Ipswich Town.
Be the first to comment