Weeraryahankii hore ee Arsenal, Ian Wright, ayaa magacaabay xulka keliya ee uu rumeysan yahay inuu ka hor istaagi karo France inay ku guuleysato Koobka Adduunka 2026.
France ayaa u soo baxday wareegga 16-ka kaddib markii ay 3-0 ku garaacday Sweden, iyadoo kabtankooda Kylian Mbappé uu dhaliyay laba gool.
Mbappé ayaa sidoo kale hoggaaminaya tartanka kabta dahabka isagoo leh 6 gool iyo 2 caawin.
France ayaa wareegga 16-ka la ciyaari doonta Paraguay, iyadoo hiigsaneysa inay gaarto final-ka Koobka Adduunka markii saddexaad oo xiriir ah.
Tababaraha France, Didier Deschamps, ayaa finalkii Koobka Adduunka 2022 rigoorayaal uga guuldarreystay Argentina.
Ian Wright ayaa sheegay in xulka keliya ee awood u leh inuu joojiyo France uu yahay Argentina.
Wright ayaa yiri:
“Wax gaar ah ayay u baahan tahay in France la garaaco. Waxay u baahan tahay xul la mid ah Argentina, sababtoo ah Argentina waxay leedahay ruux dagaalyahanimo oo aad u weyn.”
Be the first to comment