Folarin Balogun Oo Ku Biiray Liis Ciyaartoyo Ah Oo Rikoodh La Yaab Leh Ka Dhigay Koobka Adduunka.

Weeraryahanka xulka Mareykanka, Folarin Balogun, ayaa noqday ciyaaryahankii afraad ee taariikhda dhaliya gool isla markaana qaata kaarka cas kulanka bug-baxa ee Koobka Adduunka.

Balogun ayaa gool dhaliyay markii Mareykanku 2-0 kaga adkaaday Bosnia iyo Herzegovina kulankii wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka, kaas oo lagu ciyaaray garoonka San Francisco Bay Area Stadium, Khamiistii.

Ciyaaryahanka 24-jirka ah ayaa markii dambe cagta kaga istaagay canqowga daafaca Bosnia, Tarik Muharemović, taasoo keentay in garsooruhu siiyo kaarka cas.

Balogun ayaa sidaas ugu biiray ciyaartoydan taariikhda galay:

  • Zinedine Zidane – Final-kii Koobka Adduunka 2006.
  • Ronaldinho – Quarter-finalkii Koobka Adduunka 2002.
  • Garrincha – Semi-finalkii Koobka Adduunka 1962.

Isagoo ka hadlayay casaankii Balogun kaddib ciyaarta, tababaraha xulka Mareykanka, Mauricio Pochettino, ayaa yiri:

“Balogun? Marnaba ulama jeedin inuu sidaas sameeyo, mana ahayn kaar cas. Markii aan dib uga daawannay telefishinka, ujeeddadiisu ma ahayn inuu ku istaago ciyaaryahanka. Waxay ahayd dhacdo caadi ah oo kubadda cagta ka dhacda si kama’ ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga