Kadib guushoodii 3-0 ee saaxiibtinimo ee ay ka gaareen Wales, xulka England ayaa u soo bixi kara koobka adduunka 2026 marka ay la ciyaaraan Latvia toddobaadka dambe.
Kooxda uu hoggaaminayo Thomas Tuchel ayaa si buuxda uga adkaatay dhammaan shantii kulan ee ay ilaa hadda ciyaareen isreeb-reebka, iyadoo aysan wax gool ah laga dhalin.
Natiijadan darteed, waxay si rasmi ah uga qayb gali karaan koobka adduunka ee xagaaga dambe iyadoo labo kulan ay u harsan yihiin, balse waxay u baahan doonaan caawimaad yar oo uga timaadda mid ka mid ah xulalka ay isku Group-ka yihiin.
Goorma ayuu xulka England u soo bixi karaa koobka adduunka 2026:
Isreeb-reebka UEFA, xulalka ku dhamaysta kaalinta 1-aad ee Group-kooda waxa ay si toos ah uGu soo baxayaan koobka adduunka halka xulalka ku dhamaysta kaalinta 2-aad ay gali doonaan kulamo is reeb-reeb ah.
Hadda xulka England ayaa hogamainaya Group-ka K iyada oo 3 kulan u dhimantahay waxana ay 7 dhibcood ka sareeyaan xulka Albania halka ay 8 ka sareeyaan xulka Serbia.
Xulka England ayaa la filayaa in ay garaacaan xulka Latvia Salaasada 14 October hadii ay sidaasi dhacdo waxa ay si buuxda u xaqiijisan doonaan kaalinta 1-aad hadii uuna xulka Serbia badin 2-da kulan ee u dhiman.
Be the first to comment