Alexander Isak Oo Ka Dhawaajiyay Hadal Ay Sugayeen Liverpool, Muxuu Yidhi.

Weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak, oo u ciyaara kooxda Liverpool, ayaa shaaciyay war ay si weyn u sugayeen taageerayaasha Reds kaasoo ah inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato dhammaan kulamada kooxda — arrin aan horey uga dhicin tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Arne Slot ayaa helay dhiiri galin weyn kadib markii Isak uu sheegay inuu si buuxda u taam yahay, taasoo uu ku caddeeyay xilligii uu la joogay xulka qaranka Sweden inta lagu jiro Fasax ciyaaraha caalamiga ah.

Alexander Isak wuxuu markii ugu horreysay u ciyaaray kooxda Reds (Liverpool) kulankii ay la ciyaareen Atletico Madrid tartanka Champions League, kaasoo ay kooxdiisu ku guuleysatay 3-2.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma uusan dhammaystirin wax kulan ah oo buuxa oo uu la ciyaaray kooxda Liverpool sababo la xiriira inuusan helin tababar buuxa xilligii diyaar-garowga xilli-ciyaareedka cusub.

Xilligaas, Isak wuxuu si gaar ah ula tababaranayay kooxda uu horey uga tirsanaa ee Real Sociedad, halka kooxda Newcastle — kooxdiisii hore — ay ku jirtay ciyaaro saaxiibtinimo ah oo lagu qabanayay dalalka Asia. Taasi waxay sababtay inuu ka maqnaado diyaar-garowgii buuxa ee kooxda cusub.

Isak ayaa hadal uu jeediyay xilli uu ku sugnaa kulanka u dhexeeya xulalka Sweden iyo Switzerland ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, wuxuu ku sheegay:

“Waxan diyaar u ahay inaan ciyaaro 90 daqiiqo. Laga bilaabo berri, waan diyaar ahay. Wax walba way soo hagaageen kadib bil. Waxaan dareemayaa in xaaladdaydu hadda ka wanaagsan tahay sidii hore.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga