Gary Neville Oo Arsenal U Sheegay Halka Waddo Ee Ay Ugu Guulaysan Karto Horyaalka Premier League Xilli Ci

Gary Neville ayaa sheegay in sida kaliya ee ay Arsenal ugu guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ay tahay hadii ay Axada garaacdo Manchester City.

Gunners ayaa isku dayaysa in ay xaqiijisato koobkeedii ugu horeeyay muddo 20 sano ah iyaga oo hogaaminaya horyaalka premier League iyada oo 10 kulan oo kaliya ay ka hadhsan yihiin kulanka Etihad.

Arsenal ayaa si aad ah ugu dhawaatay ku guulaysiga horyaalka xili ciyaareedkii hore iyaga oo hogaaminayay horyaalka 248 maalin ka hor inta ayna ku fashilmin ay ku guulaysato horyaalka.

Neville ayaa Arsenal ku taageeray ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan oo dhan waxana uu wali aaminsan yahay in ay kooxda Arsenal ku guulaysan karto horyaalka Laakiin waa hadii ay garaacaan Man City.

“Marka la eego kulamada u dhiman, Arsenal waa in ay badiso Axada”ayuu Neville yidhi.

“Mar walba waa in aad sawirato Man City oo badisa dhamaan kulamada u dhiman”.

“Nasiib daro waxa la gaadhay wakhtigii xilli ciyaareedka ay badin lahaayeen 8 kulan o xidhiidh ah, uma malaynayo in ay Arsenal sidaas samayn karto”.

“Sababta aan u idhi waa in ay Arsenal badiso, ma arko koox kale oo Man City dhibco ka qaadan karta, dabcan way lumin karaan dhibco sababta oo ah waa kubad cagta”.

“Laakiin waa sababta aan u aaminsanahay in ay muhiimsanahay in xitaa bar-baruhu niyad jab ku noqon doono Arsenal waxa ay u baahanyihiin in ay badiyaan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga