FARIIN MURUGO LEH:- Ma iscasilayaa Messi ?, “Lugahaygu mar dambe ima qaadi karaan.”

Lionel Messi, halyeyga xulka Argentina iyo kabtanka Inter Miami, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay geerida aabbihii, Jorge Messi, oo geeriyooday maalmihii la soo dhaafay isagoo 68 jir ah, kaddib markii uu muddo la xanuunsanaa cudur, xaaladdiisuna ay si weyn uga sii dartay xilligii Koobka Adduunka.

Messi ayaa qoraal tacsiyeed uu ku daabacay akoonkiisa rasmiga ah ee Instagram ku sheegay inuusan wali rumaysan karin in aabbihii uu geeriyooday.

Wuxuu sheegay inay aad ugu adag tahay inuu qiyaaso inuusan mar dambe arki doonin ama la hadli doonin aabbihii, inkastoo uu fahamsan yahay in Jorge uu xanuunsanaa, geeriduna ay u ahayd nasasho.

Messi wuxuu sheegay in aabbihii uu marar badan ka codsan jiray inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan, Maalmihii ka horreeyay bilowga tartanka, xaaladda caafimaad ee Jorge ayaa si weyn uga sii dartay, taasoo keentay in tani noqoto markii ugu horreysay ee uusan aabbihii garabkiisa joogin xilli uu ka qeybgalayo tartan weyn.

Messi wuxuu xusay in hooyadii ay u sheegtay in Jorge uu soo caafimaadi doono oo uu awoodi doono inuu u safro si uu wiilkiisa uga garab joogo Koobka Adduunka, Messi wuxuu aabbihii u sheegay inay gaari doonaan finalka si uu isaga u yimaado oo uu u daawado.

Intii uu tartanku socday, Messi wuxuu sheegay in ciyaar kasta oo uu dhammeeyo uu caadi ahaan sugi jiray fariin ka timaadda aabbihii, balse markan fariintii aysan imaan, Taasi waxay Messi fahamsiisay sida ay xaaladda caafimaad ee Jorge u xumaatay.

Si kastaba, wuxuu go’aansaday inuu tartanka intii ugu fogeyd ka gaaro si uu aabbihii ugu helo fursad uu ku daawado.

Argentina waxay gaartay finalka, balse Jorge ma awoodin inuu yimaado, Messi wuxuu sheegay inuu aad u doonayay inuu ku guuleysto Koobka Adduunka si uu aabbihii ugu geeyo guushaas, balse jirkiisa iyo lugihiisa aysan u oggolaan inuu gaaro heerkii uu doonayay.

Markii Messi uu markii dambe u tagay inuu arko aabbihii, wuxuu sheegay inuu ogaaday inaysan awoodin inay ka wada hadlaan waxyaabihii Koobka Adduunka ka dhacay, Jorge ma uusan awoodin inuu ka qeybqaato farxaddii tartanka, balse Messi wuxuu sheegay inuu xasuusan doono sida ay isaga iyo aabbihii ugu raaxaysan jireen daawashada kubbadda cagta iyo wada hadalladooda maalinlaha ah.

Messi wuxuu qirtay in geerida aabbihii ay keentay inuu is weydiiyo sida uu nolosha u sii wadan doono iyo xitaa inuu muddo dheer sii ciyaari doono kubbadda cagta , Wuxuu sheegay in kubbadda cagta ay ahayd waxa uu ku qanacsanaa, balse hadda uu leeyahay shaki badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed.

Wuxuu sidoo kale dib u xasuustay carruurnimadiisii, isagoo sheegay inuu aabbihii la aadi jiray dhammaan tababarrada marka uu shaqada ka soo laabto,  Mararka qaar hooyadii ayaa u raacin jirtay tababarka maadaama Jorge uu shaqeynayay,  Messi wuxuu sheegay in aabbihii uusan ka maqnaan jirin ciyaar uu ciyaaray, isagoo ahaa qof mararka qaar ka walwali jiray marka uu wiilkiisa garoonka ku arko, balse haddana si weyn ugu farxi jiray.

Messi wuxuu Jorge ku tilmaamay inuu ahaa aabbihii, saaxiibkiis iyo qofkii ugu weynaa ee uu ku daydo, Wuxuu sheegay in aabbihii uu mar walba ahaa qofka ay qoyska u baahnaayeen, isla markaana uu inta badan sax ka ahaan jiray taladiisa iyo aragtidiisa.

Ugu dambeyn, Messi wuxuu sheegay inuu si weyn u xiisi doono aabbihii, balse uu weligiis qayb ka ahaan doono noloshiisa, gaar ahaan sida uu u korinayo carruurtiisa, Wuxuu sheegay inuu carruurtiisa u tarbiyeyn doono sidii Jorge isaga u soo koriyay.

Messi wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo aabbihii u rajeeyay inuu nabad ku nasto, isla markaana ka ilaaliyo qoyskiisa samada sida uu ugu ilaalin jiray intii uu noolaa. Wuxuu yiri: “Waad ku mahadsan tahay wax walba, waan ku jeclahay aabbe.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga