Erling Haaland Oo Sheegay Wakhtigii Uu Ogaaday In Ayna Arsenal Ku Guulaysan Doonin Premier League.

Xiddiga Manchester City Erling Haaland ayaa tilmaamay waqtigii uu dareemay in ayna Arsenal soo qaban doonin Man City  tartanka horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ku riixday City ilaa maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka ee Axadii laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa ku dhamaystay kaalinta 1-aad kadib markii ay 3/1 kaga badisay West Ham.

Haaland oo ku guulaystay gooldhalinta Premier League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah ayaa ogaa in ay Man City ku guulaystay horyaalka kadib kulankii Tottenham.

Man City ayaa garaacday Tottenham kulankii ka horeeyay kulanka uGu dambeeya ee xilli ciyaareedka waxana ay kulankii ugu dambeeyay galeen iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya Arsenal.

“Waxan qabaa markii aan ka badinay kulankii Tottenham waxa aan ogaa in ayna Arsenal ku guulaysan doonin horyaalka”ayuu Haaland yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga