Erik Ten Hag Oo Loo Qabtay Laba Kulan Si Uu U Badbaadiyo Mustaqbalkiisa Man United.

Erik ten Hag waxa uu haystaa laba kulan oo kaliya si uu u badbaadiyo shaqadiisa Manchester United ka dib xilli dhibaatada Man United ee bilowga xilli ciyaareedka sida uu qabo halyeeyga Premier League ee Alan Shearer.

Kooxda uu hogaamiyo macalinka reer Holland ayaa waxaa garoonkeeda 3-0 ku xasuuqay kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool galabnimadii Axada, taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta 14aad ee kala sareynta ka dib seddexdii kulan ee furitaanka.

Kooxda Ten Hag ee United ayaa lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkooda ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyaga oo ku kharash gareeyay in ka badan 200 milyan oo euro suuqii xagaaga iyaga oo la soo saxiixday xiddigo ay ku jiraan Leny Yoro, Manuel Ugarte iyo Matthijs De Ligt.

Halyeeyga Premier League Shearer ayaa arrintan qiimeeyay waxana uu sheegay in uu tababaruhu haysto 2-da kulan ee soo socda si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa.

“Natiijooyinka Man United waa in ay horumar sameeyaan si uu Ten Hag u sii joogo kooxda, mustaqbalkiisu waxa ay ku xidhan yihiin labada kulan ee soo socda”.

“Kadib guuldaradii Brighton iyo sidii xumayd ee ay guuldarada ugala kulmeen Liverpool, hadii natiijooyinka kooxdu is badali waayo kulamada soo socda aad ayay ugu adkaan doontaa in uu sii joogo kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga