England Mise Netherlands? Roy Keane Oo Saadaaliyay Semi-final-ka Euro 2024.

Roy Keane ayaa daaha ka qaaday saadaasha kulanka u dhexeeya xulalka England iyo Netherlands Semi-final-ka euro 2024.

Inkasta oo ay qaab ciyaareed liita soo bandhigeen, xulka England ayaa kaliya 2 kulan u jira ku guulaysiga koobka Euro 2024.

Xulka Netherlands ayaa dhinaciisa soo bandhigay qaab ciyaareed lagu qanci karo inkasta oo uuna laftiisu ku jirin qaab ciyaareed aad u fiican.

Keane ayaa saadaaliyay in uu xulka England garaaci doono Netherlands iskana xaadirin doono Final-ka koobka Euro 2024.

“Waxaan saadaalinayaa in xulka England badiyo kulanka Netherlands ee Semi-final-ka euro 2024″ayuu Keane yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga