
Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in laga aqbalay dalabkii 50 milyan ee ay ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Leny Yoro sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.
Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu kooxdiisa ku soo daro ugu yaraan hal xiddig oo cusub ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka premier League.
Man United ayaa aragtay laba dalab oo laga diiday xiddiga Everton ee Jarrad Branthwaite kaas oo ah dookha 1-aad ee kooxda.
Kadib markii maanta laga diiday dalabkii ugu dambeeyay ee ay ka gudbisay saxiixa Jarrad Branthwaite, United ayaa laga qabalay dalab kale.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, Man United ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 50 milyan ka gudbisay saxiixa Yoro kaas oo ay Lille aqbashay haatanba.
Si kasta ha ahaatee rabitaanka Man United waxa hor taagan go’aanka xiddiga ee Yoro oo doonaya in uu ku biiro koox ka ciyaarta champions League gaar ahaan Real Madrid.
Be the first to comment