Paris Saint-Germain ayaa markale xaqiijisay inay tahay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Yurub, kaddib markii kooxda uu hoggaamiyo Luis Enrique ay ku guuleysatay Champions League iyo UEFA Super Cup laba xilli ciyaareed oo isku xiga.
Kulanka UEFA Super Cup ee ay PSG 2-1 kaga adkaatay Aston Villa ayaa sidoo kale lagu arkay bandhigyo shaqsiyeed oo cajiib ah, Désiré Doué ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo Luis Suárez sanadkii 2015 ee hal final UEFA Super Cup ah gool dhaliya isla markaana caawiya gool kale.
Waxaa kale oo xusid mudan in labada final ee PSG ay ku guuleysatay ay ka hor yimaadeen kooxo uu tababare u ahaa Unai Emery.
Dhanka Aston Villa, Ian Maatsen ayaa qeybtii hore sameeyay bandhig xooggan, Wuxuu dhammeystiray 3 gambis oo guuleystay, taasoo ahayd tiradii ugu badnayd ciyaarta, sidoo kale waxaa lagu galay 2 foul, Waxa uu sidoo kale ku guuleystay 7 ka mid ah 9-kii mawaajo uu galay.
Dhinaca PSG, João Neves ayaa qeybtii hore sameeyay 4 tackle, waana ciyaaryahankii ugu tackles-ka badnaa labada kooxood qeybtaas.
Laakiin rikoodhka ugu weyn waxaa sameeyay Brian Madjo, Weeraryahanka Aston Villa oo 17 sano iyo 212 maalmood jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda ka dhaliya UEFA Super Cup, isagoo dhaafay rikoodhkii Patrick Kluivert ee 1996, kaasoo markaas jiray 19 sano iyo 220 maalmood.
Madjo sidoo kale wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee bilaaba finalka UEFA Super Cup, iyadoo rikoodhkaas la hayo tan iyo 2006.
Inkasta oo Aston Villa laga adkaaday, Madjo wuxuu ka tagay kulanka isagoo magaciisa ku qoray taariikhda tartanka, PSG-na waxay qaaday koob kale oo muhiim ah, taasoo muujinaysa in guushii Champions League aysan ahayn dhacdo hal mar ah, balse kooxda Paris ay hadda doonayso inay xukunkeeda Yurub sii dheereysato.
Be the first to comment