Xiddiga xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa sii wada qorista taariikh cusub oo Koobka Adduunka ah, kadib markii uu noqday ciyaaryahanka bixiyay caawinta ugu badan taariikhda tartanka. Wuxuu rikoodhkan dhigay kaddib markii uu caawiyay goolkii ugu horreeyay ee Argentina ka dhalisay Masar kulankii wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026.
Messi ayaa hadda diiwaangeliyay 9 caawin intii uu ka ciyaaray Koobka Adduunka, isagoo sidaas ku dhaafay halyeeygii reer Argentina DiegoDiego Maradona, kana noqday ciyaaryahanka keligii haysta rikoodhka caawinta ugu badan taariikhda tartankan.
Rikoodhkan taariikhiga ah ayaa yimid markii Messi uu baas qurux badan u dhigay goolkii ugu horreeyay ee Argentina ka dhalisay Masar kulankii lagu ciyaaray garoonka Mercedes-Benz Stadium ee wareegga 16-ka.
Kabtanka Argentina ayaa weli sii xoojinaya dhaxalkiisa taariikhiga ah ee Koobka Adduunka, isagoo sidoo kale sii adkeystay hoggaanka gooldhalinta tartanka, kadib markii uu gaaray 21 gool.
Ugu dambeyn, Argentina ayaa u gudubtay wareegga siddeedda (Quarter-finals) ee Koobka Adduunka, kadib guul xiiso badan oo 3-2 ay kaga adkaatay Masar.
Be the first to comment