Real Madrid Oo Garaacday Barcelona Kulan Waali Ahaa & Bellingham Oo Wadnaha Gooyay Xavi.

Kooxda Real Madrid ayaa Garaacday kooxda Barcelona kulanka El Clasico kaas Oo ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso wali ah leh iyada Oo labada kooxood Soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah

Barcelona ayaa goolka ku Hor martay waxana madax u dhaliyay daafaca Christensen kaas Oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Laakiin kooxda Real Madrid ayaa Soo Laabatay waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas Oo Rikoodhe u badalay gool.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay bar-baro iyada Oo qaybta hore ahayd mid xiiso leh.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood Sii wadeen dagaaladii ay samaynayeen iyaga Oo doonayay goolal kale.

Barcelona ayaa mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga F.Lopez kaas Oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Real Madrid ayaa markiiba ka Soo Laabatay waxana goolka u dhaliyay xiddiga L.Vasquez kaas Oo ciyaarta ka Dhigay 2/2.

Iyada Oo loo malaynayo in ay ciyaartu ku dhamaanayso bar-baro ayay wax Walba is badaleen.

Xiddiga Jude Bellingham ayaa daqiiqdiihii Ugu Dambeeyay dhaliyay goolka 3-aad ee Kooxdiisa isaga Oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Real Madrid gaadhay guul ay ugu dhawaatay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga