
Laba ciyaartoy oo Arsenal iyo Manchester City ah ayaa ka mid ah siddeeda ciyaartoy ee u sharaxan abaal marinta ciyaartoyga ugu fiican Premier League 2023-24.
Kooxaha Gunners iyo Citizens ayaa sii weyn ugu tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Xiddigaha kooxda Man City uga tartamaya abaalmarinta iddiga ugu fiican premier League ayaa kala ah Phil Foden & Erling Haaland.
Xiddigaha Kooxda Arsenal uga tartamaya abaalmarinta iddiga ugu fiican premier League ayaa kala ah Martin Odegaard & Declan Rice.
Daafaca kaliya ee abaalmarinta ku tartami doona ayaa ah xiddiga Liverpool ee Virgil Van Dijk.
Xiddiga kooxda Aston Villa ee Ollie Watkins Iyo xiddiga Chelsea ee Cole Palmer ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ku tartamaya abaalmarinta.
Ugu dambayn xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak ayaa sidoo kale ku tartamaya abaalmarinta.
Be the first to comment