
Tababaraha Liverpool, Arne Slott, ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Nottingham Forest, wuxuuna kaga hadlay caqabadaha soo socda ee wajahaya koox qaab ciyaareed aan caadi ahayn soo bandhigaysa xilli ciyaareedkan.
Slott wuxuu yiri: “Mar walba waxaan dhihi jiray inay fiican tahay in si sax ah loo qiimeeyo miiska bartamaha xilli ciyaareedka, waqtigan ayaa yimid hadda haddii Forest ay la mid tahay heerkayaga, iyo Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo dhamaan kooxaha waaweyn, markaas tani waxay la macno tahay inay yihiin koox nala tartamaysa.”
Tababaraha reer Holland ayaa intaa ku daray: “Waxay mudan yihiin in lala socdo, wax walba oo halis ah, gaar ahaan marka aan eegno qaabka ay u ciyaaraan iyo natiijooyinkooda aad ayay u adag tahay in aan natiijo wanaagsan ka helno iyaga.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxay hore u soo bandhigeen heerka kooxeed ee ay ku jiraan, maadaama ay badiyeen oo ay dhawr jeer barbaro galeen, mana ilaawi karno in Liverpool ay sidoo kale guuldaro kala kulantay gurigeeda, taas oo ah mid aan la filayn”.
Isagoo ka hadlaya taariikhda tartanka u dhexeeya Liverpool iyo Nottingham, Slott wuxuu yidhi: “Waan ogahay inuu jiray tartan adag oo u dhexeeyay labada kooxood wakhtiyadii hore, laakiin ma garanayo faahfaahinta saxda ah ee sannadahaas, laakiin Forest waxay ahayd koox adag. Kubadda cagta Ingiriiska muddo dheer, maantana waxay ku soo noqdeen heerkoodii cajiibka ahaa, waxayna haystaan tababare “Cajiib.”
Be the first to comment