DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Man City Ka Hor Kulanka Arsenal.

Kooxda Man City ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka iyada oo xiddig muhiim ah dhaawac ku wayday.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kyle Walker ayaa ka dhaawacmay kooxda Man City xilli uu ku jiro waajibaadka xulka qarankiisa.

Walker ayaa ku bilowday kulanka uu xulka England la ciyaarayo xulka Brazil kulan saaxiibtinimo.

Laakiin xiddiga ayaa kaliya ciyaarta ku jiray 20-ka daqiiqo ee ugu horeeya sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Walker ayaa muhiim ka ah kooxda Man City waxana ay dhirbaaxo weyn ku tahay kooxda Pep Guardiola.

Man City ayaa todobaadka dambe la ciyaari doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga