DEG-DEG: Haaland Oo Seegay Kulanka Chelsea Ee FA Cup-ka

Xiddiga Erling Haaland ayaa gabi ahaan ka maqan ama seegay kulanka ay kooxda Man City la ciyaarayso kooxda Chelsea Semi-Final-ka tartanka FA Cup-ka.

Man City ayaa Wembley kula ciyaaraysa kooxda chelsea iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan wadada guulaha kadib niyad jabkii champions League.

Haaland ayaa la bedelay ka hor waqtigii dheeriga ahaa iyadoo Man City looga soo reebay Champions League rigoorayaal ay Real Madrid ku garaacday bartamihii todobaadka.

Waxaana jiray shaki laga qabay taam ahaanshihiisa ciyaarta ka dib iyadoo Pep Guardiola uu sharaxay inuu codsaday in la bedelo intii ay socotay ciyaarta.

Ka hor kulanka ay Man City la ciyaarayso Chelsea, Guardiola ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor tagayo Blues.

Xiddiga Haaland ayaa ah xiddiga ugu weyn ee gabi ahaan ka maqan shaxda kooxdiisa isaga oo aan xitaa kaydka u soo fadhiisan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga