Dani Olmo Oo Kooxaha Doonaya Saxiixiisa U Sheegay Waxa Looga Baahanyahay

Xiddiga wacdaraha ka dhigaya tartanka Euro Dani Olmo ayaa fariin u diray koxaha doonaya saxiixa xiddiga suuqa kala iibsiga xagaaga.

Dani Olmo ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha ugu waaweyn yurub kana mid yihiin Man City, Barcelona iyo Liverpool.

Xiddiga u ciyaara kooxda RB Leipzig ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag waxana uu shardigaas dhacayaa 20 bishan July.

Dani Olmo oo ka hadlaya mustaqbalkiisa: “Lacagta lagu bur-burin karo heshiiskayga waxa ay dhici doontaa 20 Julay, hadii ay jiraan kooxo i doonaya way garanayaan waxa ay tahay in ay sameeyaan”.

“Waxa jira lacag la bixin karo ilaa 20 July si loo bur-buriyo heshiiskayga hadii kale hadhaw wadahadaladu way adkaan doonaan”.

“Heshiis ayaan Leipzig kula jiraa, waxaana doonayaa inaan koobab ku guuleysto”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga