Chelsea Oo Loo Sheegay Tababaraha Ugu Fiican Ee Ay Ku Badasho Mauricio Pochettino

Emmanuel Petit ayaa dareensan in Xabi Alonso uu noqon doono badalka saxda ah ee Mauricio Pochettino hadii Todd Boehly uu go’aansado inuu ceyriyo tababaraha Chelsea.

Pochettino ayaa cadaadis kala kulmaya Stamford Bridge xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay iyada oo kooxdu aad u dhibaatoonayso inkasta oo ay laca badan suuqa galisay.

Petit, si kastaba ha ahaatee, wuxuu dareensan yahay in tababaraha Bayer Leverkusen Alonso, oo si xoogan loola xiriirinayo shaqada Liverpool, uu ku haboon yahay kooxda galbeedka London.

“Waxaan qabaa in Chelsea ay u baahan tahay tababare sax ah oo aragti leh, si la mid ah wixii uu [Mikel] Arteta u lahaa Arsenal,” ayuu Petit u sheegay Betway.

“Laakiin waxa ay u baahan yihiin in ay siiyaan wakhti uu ku hirgaliyo waxa uu doonayo in uu ku sameeyo ciyaartoyda”.

“Mourinho waa xor, marka wuxuu noqon karaa dookh. Laakiin isagu maaha dookheyga, waxaa jira tababarayaal cusub oo shaqo fiican qabanaya”.

“Waxaan ka fekerayaa Xabi Alonso tusaale ahaan, aad ayaan ula dhacay shaqadiisa Germnay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga