Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa billowday wada-hadallo ay ku doonayso inay kula soo saxiixato garabka da’da yar ee Ajax, Mika Godts, si ay u xoojiso weerarkeeda kahor xilli ciyaareedka cusub.
Mika Godts oo ah 21 jir u dhashay Belgium ayaa PSG u aragto mid ka mid ah xulashooyinka ugu muhiimsan ee ay ku xoojin karto garbaha weerarka. Wadahadalladan ayaa socda iyadoo kooxda Faransiisku sidoo kale ku dhowdahay inay soo gabagabeyso heshiiska Maghnes Akliouche.
Kooxda Ajax ayaa markii hore qorsheynaysay inay sii haysato Godts, maadaama uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan kooxda. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Ajax ayaa hadda og in PSG ay si rasmi ah u bilowday wada-hadallada lagu doonayo saxiixa xiddigan.
Ilaa iyo hadda, wax heshiis rasmi ah lama gaarin, balse PSG ayaa si dhab ah uga shaqeyneysa suuragalnimada ay ku heli karto Mika Godts inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaagan.
Be the first to comment