Barcelona Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Arsenal Ka Gudbisay Xiddig Euro Ka Ciyaaraya.

Barcelona ayaa diiday dalabkii Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga Jules Kounde, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Kounde ayaa hadda dhameystay xilli ciyaareedkiisii ​​labaad ee Barca isagoo heshiis €50 milyan oo euro uGu soo biiray kooxda Sevilla labo sano ka hore.

25-sano jirkaan ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro labada daafac dhexe iyo daafaca midig, laakiin ugu horeyn wuxuu ka ciyaaray dhanka midig ee daafaca Barca xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu ku sugnaa boos la mid ah seddexda kulan ee Group-yada France ee Euro 2024.

Sida laga soo xigtay Jijantes, Arsenal ayaa Barcelona wax ka waydiisay helitaanka xiddiga reer France iyaga oo dalab ka gudbiyay xiddiga laakiin Barcelona ayaa u sheegtay Arsenal in aanu xiddig ahayn.

Barcelona ayaa u sheegtay Arsenal in aanu Kounde ka tagi doonin kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga