Antonio Conte: Chelsea Way Awood Badnaan Lahayd Hadii Halkan Arin Dhici Lahayd.

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in uu doonayay in uu la soo saxiido Virgil van Dijk xagaagii 2017 balse ma dhicin inuu la soo saxiixdo.

Daafaca dhexe oo u soo ciyaaray Southampton wakhtigaas ayaa ku biiray Liverpool suuqii January iyada oo wax kale ay taariikh tahay.

Laakiin kabtanka Liverpool ee haatan ayaa xidhan lahaa maaliyada buluuga ah ee chelsea.

“Taariikhdeyda ayaa sheegeysa in aan mar walba ku imaan jiray kooxaheyga xaalad adag oo dhibaato heysato. Mar walba waan dhisaa,” Conte ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Telegraph.

“Kadib xiliciyaareedkeygii ugu horeeyay ee Chelsea, markii aan ku guuleysanay horyaalka, waxaan noqon karnay kuwa ugu awooda badan England”.

“Waxa aan maamulka chelsea ka codsaday in ay ii keenaan Van Dijk sababta oo ah waxa uu naga dhigi lahaa kuwa ugu awooda badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga