Halyeeyga kooxda Arsenal Paul Merson ayaa sheegay In ay khalad tahay in ay Liverpool heshiis cusub u soo bandhigto sabab la xidhiidha da’diisa.
Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa heshiis cusub ahna looma soo bandhigin.
Ka dib guushii Axadii ee Southampton, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa yiri: “Waxaan ku dhownahay December, welina ma helin wax dalab ah oo aan sii joogo kooxda”.
“Shaqsi ahaan anigu heshiis cusub uma soo bandhigeen Salah” ayuu Merson.
“Waa 32 jir, waxa uu noqon doonaa 33 ka hor inta uusan dhamaan xilli ciyaareedka. Taasi waxay la macno tahay inuu weli sii ciyaari doono isagoo 35 jir ah”
Be the first to comment