Mohamed Salah waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League ee abid soo mara.
Waxa uu dhaliyay 160 gool horyaalka Ingiriiska, taasoo ka dhigaysa gooldhaliyayaasha ugu badan taariikhda tartanka tan ilaa 1992-kii markii horyaalka dib loo cusboonaysiiyay.
Xiddiga reer Masar ayaa kooxda ku sugan muddo 8 sano ah waxana uu ka hor tagay kooxo badan tan ilaa wakhtigaas.
Salah ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxda Man United isaga oo shabaqooda soo taabtay 15 jeer 16 kulan oo uu ka hor tagay.
Waxa ku xiga kooxaha Tottenam iyo West Ham oo uu ka dhaliyay min 12 gool inkasta oo uu tottenham la ciyaaray 20 kulan halka uu West Ham la ciyaaray 16 kulan.
Waxa ku xiga kooxda Man City oo uu ka dhaliyay 11 gool 21 kulan oo uu ka hor tagay.
Kooxda Arsenal ayaa ku xigta oo uu ka dhaliyay 11 gool 17 kulan oo uu ka hor tagay halka uu Brighton ka dhaliyay 10 gool isla markaas Bournemouth ka dhaiyay 9 gool.
Be the first to comment