Adrien Rabiot ayaa wadahadalo la yeelan doona kooxaha Liverpool iyo Manchester United maalmaha soo socda kadib markii uu ka tagay Juventus.
Laacibka reer France, oo 29 jir ah, waxa uu noqday wakiil xor ah bilowgii bishaan ka dib markii uu dhacay qandaraaskisa Allianz Stadium, waxaana uu si rasmi ah u shaacin doonaa inuu ka tagayo kooxda reer Talyaani isbuucaan.
Go’aankaas ayaa loo badinayaa inuu horseedo in kooxo badan oo Yurub ah ay u dhaqaaqaan – waxaana xiddiga khadka dhexe uu ka fiirsan doonaa xiisaha kooxaha premier League.
Rabiot waxa uu damacsan yahay in uu la hadlo dhamaan kooxaha doonaya saxiixiisa ka hor inta uuna go’aansan in uu ku biiro koox cusub.
Kooxaha uu doonayo in uu la hadlo waxa ka mid ah Man United iyo Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.
Be the first to comment