Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa xaqiijiyay in aanu ka tagi doonin kooxda Liverpool ka hor inta uuna dhicin heshiiskiisa Anfield.
Goolhayaha reer Brazil ayaa ka mid ah Goolhayaha ugu fiican adduunka laakiin dhaawac ayaa sababay in uu lumiyo booskiisa xilli ciyaareedka.
Alisson ayaa seegay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool kadib dhaawac soo gaadhay kulankii Crystal Palace ee bishii October.
Tan ilaa markaas Goolhaye Caoimhin Kelleher ayaa noqday dookha 1-aad waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Alisson ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha sucuudiga iyo waliba kooxaha ka ciyaara horyaalka Turkey.
Laakiin Alisson ayaa sheegay in aanu ka tagi doonin kooxda Liverpool wax walba dhaca.
“Wali waxa aan kooxda kula jiraa heshiis 3 sano ah Liverpool, waxa aan qabaa in mustaqbalka qofna hubin laakiin waxa aan rajaynayaa in aan sii joogo England”.
Be the first to comment