Manchester United ayaa xaalad adag wajahay kaddib markii ay si lama filaan ah uga hartay Carabao Cup, iyadoo Brighton ay 3-2 kaga adkaatay Old Trafford, inkastoo United ay ciyaarta si fiican ku bilaabatay oo ay 2-0 hoggaanka ku qabatay, United ayaa 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyay ciyaarta labo gool dhalisay, waxaana goolasha kala dhaliyay Shea Lacey iyo Mason Mount.
Laakiin kooxda Michael Carrick ayaa awoodi weyday inay sii haysato hoggaankaas, waxaana Brighton ka faa’iideysatay khaladaadka United, Charalampos Kostoulas ayaa wax ka dhaliyay ka hor dhammaadka qeybtii hore, kaddib qalad uu sameeyay goolhaye Karl Darlow, Qeybtii labaad ayay Brighton si buuxda ciyaarta ugu soo laabatay, iyadoo Pascal Groß iyo Maxim De Cuyper ay dhaliyeen labada gool ee kale, taasoo Brighton siisay guul 3-2 ah.
Natiijadan ayaa Manchester United gelisay rikoodh aan wanaagsanayn, Markii ugu horreysay tan iyo 1976, Manchester United ayaa lagu garaacay Old Trafford kulan ay 2-0 ku hoggaaminaysay, Guuldarradu waxay sidoo kale ka dhigan tahay in United ay markii saddexaad oo xiriir ah ku fashilantay kulankeedii ugu horreeyay ee koob gudaha ah.
Difaaca midig ee Diogo Dalot ayaa si gaar ah dhaliil loogu jeediyay kaddib bandhiggii uu ka sameeyay ciyaarta, Micky Gray oo hore uga tirsanaa xulka England ayaa sheegay in Dalot uu u muuqday ciyaaryahan ka dhuumanayay mas’uuliyadda qaadashada kubbadda xilliyadii adkaa.
Gray wuxuu sidoo kale sheegay in guud ahaan ciyaartoyda United aysan ciyaarta ku muujin rabitaan ku filan, Dalot ayaa dhibaato kala kulmay xawaaraha ciyaaryahanka Brighton Malick Yalcouye, kaasoo dhowr jeer ka dambeeyay difaaca reer Portugal.
bandhiga liita Dalot kuma ekaan ciyaartan, Kaddib guuldarradii Manchester derby-ga, halyeeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa sidoo kale su’aal geliyay tayada Dalot, Rooney wuxuu sheegay in daafacyada garbaha ka ciyaara kubadda cagta casriga ah looga baahan yahay tamar iyo awood ay si joogto ah ugu shaqeeyaan labada dhinac, isagoo sheegay inuu Dalot u arko inuu taam yahay balse uu ka liito dhinaca tayada, Dalot ayaa Manchester United ku biiray sanadkii 2018 isagoo kaga yimid Porto, wuxuuna kooxda u saftay in ka badan 250 kulan.
Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa qirtay in kooxdiisu ay lumisay gacan ku hayntii ciyaarta, isagoo sheegay in bilowgii iyo dhammaadkii kulanku ay ahaayeen laba xaaladood oo aad u kala duwan.
Carrick wuxuu sheegay:- “Waxaan ciyaarta ku haysanay meel aan rabnay, laakiin waxaan si weyn ugu oggolaannay inay naga baxsato” , Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu qaadanayo mas’uuliyadda wixii dhacay, gaar ahaan qaabkii ay kooxdu u ciyaartay qeybtii dambe.
Guuldarrada Brighton waxay cadaadis dheeraad ah saartay Carrick, iyadoo Manchester United ay lumisay 3 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka, Kooxdu waxay hadda ka hartay Carabao Cup, waxaana Carrick uu sheegay in ciyaartoydu ay u baahan yihiin inay si degdeg ah u hagaajiyaan khaladaadka oo ay dib ugu laabtaan guulaha.
United ayaa sidaas wajahaysa xaalad adag bilowga xilli ciyaareedka, iyadoo guuldarradii Brighton ay si gaar ah u muujisay dhibaatada kooxda ka haysata inay ilaaliso hoggaan ay ciyaarta ku bilowdo.
Be the first to comment