Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa weli ah mid hadal-heyntiisu sareyso, iyadoo kooxo badan oo waaweyn ay durba qiimeynayaan xiddigo ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan, gaar ahaan marka uu furmo suuqa Janaayo.
Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca bidix ee Bournemouth, Adrien Truffert, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay ku dhawaad £60 milyan. United ayaa doonaysa inay xoojiso booskaas, iyadoo 24-jirka reer France uu kamid yahay ciyaartoyda ay kooxda si gaar ah ula socoto.
- Richarlison ayaa weli xiiso ka helaya kooxo dhowr ah kaddib markii uu burburay heshiiskii uu uga tagi lahaa Tottenham kuna biiri lahaa Vasco da Gama. Weeraryahanka reer Brazil, oo 29 jir ah, ayaa hadda mustaqbalkiisa qiimeynaya. Xigasho: UOL
- Philippe Coutinho ayaa heshiis la gaaray Santos si uu kooxda ugu biiro muddo saddex bilood ah. 34-jirkan hore ugu ciyaaray Liverpool iyo Aston Villa ayaa go’aan ka gaaraya mustaqbalka ciyaareedkiisa, isagoo ahaa ciyaaryahan xor ah tan iyo bishii Febraayo markii uu ka tagay Vasco da Gama. Xigasho: Globo
- Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca bidix ee Bournemouth, Adrien Truffert. 24-jirka reer France ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan £60 milyan, iyadoo United ay si gaar ah ula socoto xaaladdiisa. Xigasho: Teamtalk
- Liverpool ayaa weli xiisaynaysa khadka dhexe ee Inter Milan, Aleksandar Stankovic, kaddib markii ay xagaagan xog ka weydiisay 21-jirka reer Serbia. Xigasho: Teamtalk
- Crystal Palace kama quusan saxiixa daafaca dhexe ee Brest, Raphael Le Guen. 20-jirka reer France ayaa Palace isku dayday inay lasoo wareegto xagaagii, waxaana kooxda London ay weli doonaysaa inay heshiiskiisa dib u soo celiso. Xigasho: Ouest-France / SportWitness
- Liverpool ayaa sidoo kale weli xiisaynaysa garabka reer France Michael Olise, oo 24 jir ah. Si kastaba, Bayern Munich ayaan diyaar u ahayn inay iibiso Olise suuqa Janaayo. Xigasho: Christian Falk
- Lamine Camara ayaa diiradda saaraya mustaqbalkiisa Monaco kaddib markii uu burburay heshiiskii maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga uu ugu wareegi lahaa Chelsea. Xiddiga khadka dhexe ee Senegal ayaa sheegay in laga yaabo inay mustaqbalka soo baxaan fursado kale. Xigasho: ESPN
- Jadon Sancho ayaan la filayn inuu si degdeg ah ugu biiro koox cusub. 26-jirka reer England ayaa weli qiimeynaya fursadihiisa kaddib markii uu Manchester United ka tagay bishii June. Xigasho: Football Insider
- Everton ayaa tartan kala kulmaysa Lazio iyo Parma, kuwaas oo sidoo kale xiisaynaya weeraryahankii hore ee Argentina Mauro Icardi. 33-jirka ayaa haatan ah ciyaaryahan xor ah kaddib markii uu xagaagii ka tagay Galatasaray. Xigasho: Corriere dello Sport
- Malaga ayaa ka fiirsanaysa inay lasoo saxiixato weeraryahankii hore ee Manchester United iyo France Anthony Martial. 30-jirkan ayaa ah ciyaaryahan xor ah tan iyo markii uu bishii June ka tagay kooxda reer Mexico ee Monterrey. Xigasho: Mundo Deportivo.
Be the first to comment