Agaasimaha ciyaaraha Barcelona, Deco, ayaa shaaca ka qaaday sababta kooxda reer Spain ay xagaagan u dooratay inay lasoo saxiixato Anthony Gordon, iyadoo iska dhaaftay inay si joogto ah u qaadato Marcus Rashford, Barcelona ayaa Gordon kala soo wareegtay Newcastle United heshiis gaaraya £70 milyan, waxaana Deco sheegay in xiddiga reer England uu ahaa ciyaaryahankii ugu habboonaa baahida kooxda.
Deco wuxuu tilmaamay in Barcelona ay xilli ciyaareedkii hore dhibaato dareentay marka uu Raphinha ka maqnaado kooxda, maadaama tamarta iyo firfircoonida weerarka ay hoos u dhici jireen, Sidaas darteed, Barcelona waxay raadisay garab weerar oo keena xawaare, tamar iyo firfircooni, waxaana Gordon loo arkay xalka ugu habboon.
Dhanka kale, Barcelona waxay haysatay fursad ay Marcus Rashford si joogto ah ugu qaadato kaddib amaahdii uu xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Camp Nou, balse kooxda ayaa ugu dambeyn go’aansatay inay £26 milyan ku iibsan weydo.
Rashford ayaa sidaas ugu laabtay Manchester United, halka Gordon uu durba saameyn ku yeeshay Barcelona, isagoo sameeyay 5 caawin afar kulan oo LaLiga ah.
Deco ayaa sidoo kale sheegay in Barcelona ay xagaagan si weyn u xoojisay kooxdeeda, iyadoo lasoo saxiixatay ciyaartoy ay kamid yihiin Rodri, Bernardo Silva, Gabriel Jesus iyo Karim Adeyemi.
Barcelona ayaa haatan si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo hoggaanka LaLiga ku jirta isla markaana guuleysatay afarteeda kulan ee ugu horreeyay.
Be the first to comment