Dembélé oo ka hadlay Ballon d’Or: “Waa daqiiqad aan weligay xasuusan doono”

Xiddiga reer France ee Ousmane Dembélé ayaa ka hadlay dareenkii uu lahaa markii uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo sheegay in guushaasi aysan si weyn noloshiisa u beddelin, balse ay ahayd mid ka mid ah waqtiyadii ugu muhiimsanaa ee xirfaddiisa, Dembélé ayaa sheegay in marka qofku yar yahay uu ku riyoodo inuu maalin uun ku guuleysto abaalmarin shaqsiyeed oo heerka Ballon d’Or ah, inkastoo uusan isagu waligiis ka dhigin hadaf uu si xad-dhaaf ah ugu mashquulo.

Waxa uu si gaar ah u xusay xilligii halyeeyga reer Brazil Ronaldinho uu u soo bandhigay Ballon d’Or-ka, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid si weyn u taabatay “Markii Ronaldinho uu ii soo bandhigay Ballon d’Or-ka, waxaan dareemay inaan naftayda ku faanayo,” ayuu yiri Dembélé.

Weeraryahanka ayaa intaas ku daray in dhacdadaasi ay ahayd daqiiqad gaar ah oo aan caadi ahayn, taas oo uu sheegay inuu xasuusan doono inta ka dhiman noloshiisa.

Dembélé ayaa hadalladan ku sheegay wareysi uu siiyay The Athletic, isagoo sidoo kale tilmaamay in inkastoo guusha Ballon d’Or ay ahayd wax cajiib ah, haddana aysan si weyn u beddelin noloshiisa maalinlaha ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga