Gabriel Jesus oo si aan caadi aheyn ucabiray Waxa uuku arkay Barcelona & Hal arin uu la indha daraan daray !

Weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus ayaa si weyn u amaanay Barcelona, kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda reer Catalonia.

Jesus oo hadalkiisa muujinayay farxad weyn ayaa yiri:- “Waxaan jeclahay kubbadda cagta, waxaanan jeclahay Barcelona,  Qaabkani waa qaabka aan jeclahay inaan u ciyaaro, waana wax aad ii farxad geliya.”

Weeraryahanka ayaa sidoo kale amaanay tayada kooxda Barcelona, isagoo sheegay in kooxda ay haysato ciyaartoy heer sare ah isla markaana ay ciyaarayso kubbad qurux badan waxaa uu sii raaciyey :- “Waxaan haysannaa koox aad u wanaagsan oo ay ka buuxaan tayo, waxaana ciyaarnaa kubbad qurux badan.”

Gabriel Jesus ayaa hadalladan jeediyay kaddib markii Barcelona ay 5-0 ku xasuuqday Valencia, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu kasoo muuqday kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga