Mohamed Salah ayaa mar kale noqday xiddiga ugu hadal-haynta badan warbaahinta Turkiga, kaddib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku hoggaamiyay Trabzonspor guul weyn oo 5-0 ah oo ay ka gaareen Gençlerbirliği, kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee horyaalka Turkiga.
Salah ayaa kulankaas dhaliyay hal gool, sidoo kalena sameeyay hal caawin, taasoo sii xoojisay bilowgiisa wanaagsan ee horyaalka Turkiga.
Wargeyska Sabah Spor ayaa xiddiga Masar ku tilmaamay “Duufaanta Salah”, isagoo tilmaamaya saameynta degdegga ah ee uu ciyaaryahanku ku yeeshay Trabzonspor tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray, Saxaafadda Turkiga ayaa sheegtay in Salah uusan ahayn oo keliya ciyaaryahan magac weyn ku leh dunida oo kooxda loogu keenay taageerayaal iyo buuq warbaahineed, balse uu durba muujiyay inuu yahay xiddig si dhab ah wax uga beddelaya ciyaarta kooxda.
Wargeyska Fanatik ayaa sidoo kale xoogga saaray doorka Salah ee gudaha iyo bannaanka garoonka, Warbaahintu waxay soo bandhigtay sawirro muujinaya Salah isagoo wata gaariga Trabzonspor, taasoo loo fasirtay inay tusaale u tahay sida xiriirka u dhexeeya xiddiga Masar iyo kooxda uu maalinba maalinta ka dambeysa u sii xoogeysanayo.
Salah ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu si tartiib ah u noqonayo hoggaamiye dhab ah oo kooxda dhexdeeda ah, dhanka kale, wargeyska Fotomaç ayaa si toos ah ugu tilmaamay Salah “xiddig caalami ah”, isagoo soo bandhigay tirooyinkiisa cajiibka ah.
Wargeysku wuxuu xusay: 4 kulan – 4 gool – 1 caawin, Tirooyinkan ayaa muujinaya sida degdegga ah ee Salah uga dhex muuqday kooxdiisa cusub.
Kulankii Gençlerbirliği, Salah ayaa goolka labaad ee Trabzonspor ku dhaliyay daqiiqaddii 14-aad, isagoo rigoore u beddelay gool, Qeybtii labaadna wuxuu noqday ciyaaryahan sameeya fursadaha, isaga oo kubad siiyay Ernest Muçi, kaasoo dhaliyay goolka afaraad ee Trabzonspor daqiiqaddii 59-aad.
Turkiga oo si gaar ah u soo dhaweeyay Salah, Warbaahinta Turkiga ayaa hadda Salah ula dhaqmeysa si ka duwan ciyaaryahan cusub oo kaliya kooxda ku soo biiray, Waxaa si joogto ah loo xusaa inuu yahay “xiddig caalami ah”, iyadoo sidoo kale si weyn loo hadal hayo goolashiisa, caawintiisa iyo saameynta uu ku leeyahay ciyaarta Trabzonspor.
Salah ayaa horey uga soo muuqday kulan ay Trabzonspor la ciyaartay Başakşehir, markaas oo uu dhaliyay laba gool, isagoo kooxdiisa ku hoggaamiyay guul 2-1 ah, Fotomaç ayaa kulankaas ku tilmaamay inuu Salah sameeyay bandhig kubadeed oo heer sare ah.
Guushii 5-0 ahayd ee ay ka gaareen Gençlerbirliği ayaa Trabzonspor gaarsiisay 7 dhibcood, halka Salah uu sii xoojinayo booskiisa inuu yahay mid ka mid ah hubka ugu muhiimsan ee weerarka kooxda, Bilowgan ayaa muujinaya in heshiiskii Salah ee buuqa weyn ka dhaliyay gudaha Turkiga uu hadda si dhab ah ugu beddelmayo waxqabad gudaha garoonka ah.
Saxaafadda Turkiga waxay u muuqataa inay hal fariin isku raacsan tahay: “Salah ma uusan imaan Turkiga oo keliya inuu magac sameeyo — wuxuu u yimid inuu ciyaaro, goolal dhaliyo, islamarkaana saameyn ku yeesho Trabzonspor.”
Be the first to comment